Wararka

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya oo ka qayb galay kulan looga hadlaayay horumarka dhaqaalaha iyo waxbarshada Dalka.

Kulan looga hadlaya horumarka dhaqaalaha iyo waxbarshada Dalka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada  Muqdisho ee caasimada dalka waxaana kulanka ka qayb galay Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamul Goboleedyada Dalka iyo Saraakiil ka socota Bankiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, C/raxmaan Ducaale Beyle, oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo dhaqaalaha , isla maraana ay Dowladdu ay in badan oo dakhligeeda ka mid ihi ku ku xoojiso dhinaca waxbarshada oo saldhig u ah koboca dhaqaalaha Dalka.

Cabdullaahi Goodax Barre, Wasiirka Waxbarashada Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,  ayaa isna goobta ka sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay tayaynta waxbarshada Dalka iyo sidii loo horumarin lahaa.

Wakiilka Bangiga Aduunka ee Sooomaaliya , Huth Ridel , ayaa sheegay in loo baahan yahay in la sii xoojiyo horumarka Soomaaliya ay ka sameynayso dhinacyada dhaqaalaha iyo waxbarashada oo haatam meel fiican marayo iyaguna ay taageeri doonaan.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close