Wararka
Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo bogaadiyay ardayda wax ka barto dalka dibadiisa.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa hambalyo iyo boogaadin u diray ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa wax ka barto.
Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa wax ka barto ay asbuucaan ka qayb qaateen soo bandhigida dhaqanka suuban ee Soomaalida waxaa uuna si gaar ah ugu u boogaadiyay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barto Jaamacada Malaysia, Masar iyo Sudan.
“axaan aad ugu faraxsanahay una bogaadinayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee dalka dibaddiisa wax ku barta, kuwaasi oo had iyo jeer ka qeyb qaata bandhigyada dhaqanka ee lagu qabto Jaamacadaha ay wax ka bartaan.Waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa ardayda wax kabarata Jaamacadaha International Islamic University in Malaysia, Jaamacadda Qaahira ee dalka Masar iyo Jaamacadda Sudan oo todobaadkan bandhigyada kaalin fiican kagalay” ayuu Yiri Wasiir Godax.
“axaan idinkula dardaarmayaa in aad sii xoojisaan Ilaalinta dhaqanka suuban ee ay Soomaalidu ku faanto, isla markaana dhinaca kale ku dadaashaan waxbarashada si aad sawir qurxan uga bixisaan dalkiina” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.