Wararka
Wasiirka waxbarashada oo xariga ka jaray qayb kamida Xarunta Akademiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta.
Wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa maanta xariga ka jaray qeyb ka mid ah Xarunta Akademiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta oo dayactir lagu sameynayo.
Xaruntaan oo ayaa muhiimad gaar ah u leh in kor loo qaado tayada Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta Soomaaliyeed waxaana tayactirkeeda ka qayb qaatay oo maalgalisay Midowga Yurub.
Wasiirka waxbarashada Xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa xarig jarka ku wehlinaayay safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolás Berlanga Martinez iyo masuuliyiin kale.
Intii lagu guda jiray munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa goobta lagu soo bandhigay Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed oo astaan u ah sharafka iyo qiimaha ummadda Soomaaliyeed.
Wasiirka waxbarashada Xukuumada Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa sheegay in tayactirka xaruntaan ay muhiimad gaar ah u leedahay waxaa uuna sheegay in hawlo lagu qaban doona. “Muhiimad gaar ah ayey inoo leedahay dayactirka xaruntan oo howla muhiim ah u haya bulshada Soomaaliyeed”