Wararka

Wasiirka waxbarashada oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre oo kusugan dalka Boqortooyada Ingiriiska ayaa kulan soo dhaweeyn ah la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada London.

Wasiirka ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimada London ugu warixiyay xaalada dalka uu ku jiro iyo horumarada dhanka waxbarashada laga gaaray.

Cabdullahi Godax Barre,Wasiirka wasaaradda waxbarashada, Hiddaha iyo tacliinta sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa gabagabada kulanka soo dhaweynta ahaa ugu mahad celiyay jaaliyadda Soomaaliyeed sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo wafdigiisa.

“Waxaan magaalada London ee dalka Ingiriiska kula kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkan ku nool waxaan uga waramay horumarka waxbarasho ee ka jira dalkeenna. Waan u mahad celiya jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkan oo si wanaagsan noo soo dhaweeyay”. Ayuu yiri Wasiir Godax Barre.Image may contain: 1 personImage may contain: 1 person, foodImage may contain: 4 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close