Wararka

Wasiirka waxbarashada oo kulan la qaatay ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga.

Wasiirka waxbarashada xukuumadda federalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa xaruunta UNESCO ee magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta & Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre).

Kullanka ayaa intii uu socday waxa ay labada masuul ugu wada hadleen sidii sanduuqan uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane Cabdullahi Goodax Barre ayaa sheegay in kullan kaani uu ahaa mid muhiim ah islamarkan kullan kan lamid ah uu ka dhici doono Soomaaliya.

“Waxaan xaruunta UNESCO ee magaalada Paris (France) kulan kula qaatay Dr. Abdalla A. Al Rabeeh oo ah Lataliyaha Boqorka Sacuudiga isla markaana ah Madaxa Xaruunta Horumarinta & Gargaarka Bani’aadinimo ee Boqortooyada Sacuudiga ee Boqor Salman (King Salman Humanitarian Aid &Relief Centre).

Waxaan ka wada hadalnay sidii sanduuqan uu kaalin mug leh ay uga qaadan lahaayeen horumarinta iyo ballaarinta tacliinta Soomaaliya. Waxaan ku martiqaaday in uu ziyaaro noogu yimaado Soomaliya taasoo uu aqbalay.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close