Wararka

Itoobiya oo ku gacan seertay wadahadal ay la gasho TPLF.

Dowlada Itoobiya ayaa ku gacan seertay codsi ugu yimid qaar kamid ah madaxda Africa kaas oo ahaa in wada hadal ay la gasho hoggaamiyaasha gobolka Tigray.

“Madoonayno inaan wada hadal la galno danbiiloyaal. waxaan keeni doonaa caddaaladda ee ma keeni doona miiska wada hadalka” ayuu yiri Mamo Mihretu oo kamid ah lataliyaasha Ra’isal wasaare Abi.

Maalinimadii Jimcaha waxaa wadahadal ku booriyay madaxweynaha KoonFur Africa Cyril Ramaphosa isaga oo magacaabay seddex madaxweyne oo arrinkaasi ka shaqeeyo.

Dagaaalka ka socda Gobolka Tigray waxaa ku dhintay boqolaal, halka kumanaan ruuxna ay ku bara kaceen.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close