Wararka
Wasiirka waxbarashada oo habka Online kulan kula qaatay Shaqaalaha wasaarada waxbarashada.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha Iyo Tacliinata Sare ee XFS, Cabduullaahi Goodax Barre Ayaa maanta Kulan habka adeegga casriga ah ee Online kula qaatay dhammaan Shaqaalaha wasaarada waxbarashada shirka oo ahaa mid mahadcelin iyo dhiirragelin shaqaalaha wasaaradda waxbatashada maadaama ay ahayd maalinta shaqaalaha adduunka ayaa.
waxaa ka qeyb galay Wasiir ku Xigeynka wasaaradda waxbarashada, Wasiiru dowlaha waasradda waxbarashada, Agaasimaha Guud iyo dhammaan Agaasime waaxeedyada.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada ayaa ugu horeeyn u Hambalyey Farxaddana laqaatay maalin-weynaha shaqaala Aduunka Gaar ahaan Shaqaalaha wasaaradda waxbarashad.
“Waxaan maanta kulan la qaatay dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, waxaan ugu hambalyeeyay, farxaddana la qaatay maalin-weynaha shaqaalaha adduunka. Waxaan uga mahadceliyay guulihii waa weynaa ee aan gaarnay oo ay laf-dhabar u ahaayeen, waxaan aad ugu kalsoonahay aqoontooda, khibraddooda iyo waaya-aragnimadooda in ay ka soo dhalaalayaan shaqooyinka baaxadda leh ee ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Godax Barre.