Wararka

Wasiirka waxbarashada oo Doha kaga qayb galay shir ku saaban hal-abuurka teknoolajiyadda waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya C/lahi Godax Barre oo kusugan dalka Qatar ayaa magaalada Doha ee caasimada dalkaasi kaga qayb galay shir ku saaban hal-abuurka teknoolajiyadda waxbarashada caalamka (WISE Summit).

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaayo wasiirada waxbarashada oo ka kala socda ilaa dhowr dal iyo iyo 2,000 oo qof oo bahda waxbarashada caalamka ah, oo ka kala yimid in ka badan 100 dal.

Kulankaan ayaa inta uu socda waxaa looga hadli doonaa sidii loo tayeen lahaa waxbarashada dalalka kazoo qayb galay kulanka si ay ula sinaadaan wadamada horumaray sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka oo war-qoraal ah oo kooban bartiisa Facebook-ga soo galiyay ayaa ka warbixiyay shirka waxaa uuna yiri” Waxaa maanta magaalada Doha ee dalka Qatar nooga furmay shir ku saaban hal-abuurka teknoolajiyadda waxbarashada caalamka (WISE Summit) oo ay qeyb ka yihiin wasiirada waxbarashada dhowr dal iyo 2,000 oo qof ohuh7o bahda waxbarashada caalamka ah, oo ka kala yimid in ka badan 100 dal. Waxaan diirrada saareynaa sidii aan u tayeyn lahayn waxbarashada dalkeena si ay ula sinnaato wadamada horumaray”.

Image may contain: 11 people, crowdImage may contain: 7 people, crowdImage may contain: 11 people, crowdImage may contain: 6 people, suit and indoorNo photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close