Wararka

Wasiirka waxbarashada oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha & Tacliinta Sare ee XFS, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa maanta booqday Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia, waxa uu kulan ku la qaatay Safiirka iyo masuuliyiinta Safaaradda oo uu ka midyahay U-qeybsanaha Dhaqanka iyo Waxbarashada.

wasiirka waxbarashada XFS, ayaa ugu mahadceliyay doorkooda gudashada waajibaadka Qaran, si gaar ah, soo dhaweynta ardayda, ka warhaynta badqabkooda iyo guud ahaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ethiopia.

Dalka Ethiopia ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka caawiya dhanka waxbarashada iyagoo sanadkasto deeqo waxbarasha siiyo ardayda Soomaaliyeed.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close