Wararka
Wasiirka waxbarashada oo Baydhabo ka dhagax dhigay Iskuulka farsamada gacanta koonfur Galbeed.
Gudoomiyaha Barlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye iyo wasiirka Wasaradda Waxbarashada Soomaaliya Abdulaahi Goodax Barre ayaa Si Wadajir ah udhagaxdhigay Iskuulka farsamada gacanta koonfur Galbeed.
Wasiirka iyo Guddoomiyaha ayaa sidoo kale dhagax dhigay Iskuulka Hoose dhex iyo Iskuul Hoose dhex Oo laga hergalinaayo duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee Koonfur Galbeed.
Guddomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna maye ayaa umahadceliyay Wasaradaha Waxbarshada xukuumada federaalka Oo Juhddi iyo Dadaal Dheer ugu Jira sidii Ardeyda KGS ay u heli lahayeen Waxbarsho Lacaq la’aan ah iyo sidii loo bari lahaa Xirfado ay ku shaqeystaan.