Wararka
Wasiirka Waxbarashada Iyo Wafdi Uu horkacay Ayaa gaaray Magaalada Beledweyn.
Wafdigan uu hoggaaminayo wasiirka Waxbarashada Hidaha iyo Taclinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Xubnaha Wafdi Wasiirka Ayaa Waxa kamid ah xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya,Iyo Mas’uuliyiin Kale.
Maamulka Gobolka iyo bulshada qeybaheeda Kale Duwana ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaaalada beledweyn Kusoo Dhoweeyay .
Ujeedka socdaalka wafdigan maanta gaaray magaalada Beledweyne ayaa lagu sheegay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen xalinta xiisada ka taagan magaalada Beledweyne.
Wafdiga Wasiirka Ayaa Inta ay joogaan Magaalada Beledweyn waxaa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle,kan gobolka iyo degmada oo ay wehliyaan waxgaradka iyo qeybaha bulshada.