Wararka

Wasiirka waxbarashada dalka oo Paris kaga qayb galaayo shir caalami ah.

Waxaa Magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska maanta ka furmay shirweyne labadii sanaba mar ka dhaca xaruunta Ururka UNESCO oo looga hadlay xaaladaha waxbarashada dadalka caalamka waxaana Soomaaliya shirkaasi ku matalaayo wasiirka waxbarashada xukuumada  federaalka Soomaaliya Cabdullahu Godax Barre oo kamid ah wafdi uu hoggaaminaayay Ra’iisal wasaaraha dalka oo Isla Paris u joogay ka qayb galka Shirka Nabada Paris.

Wasiir Godax Barre ayaa sheegay in inta uu kulanka socda uu  uu jeedin doona khudbad  ka turjumaysa kabsashada tacliinta Soomaaliya sidoo kalena uu kulamo la qaadan doona dalalka ka soo qayb galaya shirkan.

“Aniga iyo wafdiga aan hogaaminayo waxaa sharaf noo ah in ka qayb galkeenu xubin muhiim u tahay Ururka.Intuu shirku socdo waxaan ka jeedin doonaa khudbad ka turjumaysa kabsashada tacliinta Soomaaliya.Sidoo kale, waxaan heshiisyo iyo kulamo layeelan doonaa dalalka ka soo qayb galaya shirkan” ayuu yiri wasiirka waxbarashada dalka.

shirkaan ayaa waxaa kasoo qayb galay 193 dal oo xubin ka ah ururka UNESCO oo gacan wayn ka gaysto kor u qaadista tayada waxbarashada dalalka ka midka ah urukan.Image may contain: 3 people, indoorImage may contain: 1 personNo photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close