Wararka
Wasiirka Waxbarashada dalka oo kulan la qaatay masuuliyiinta ugu sarayso hay’adda Mercy.

wasiirka wasaaradda Waxbarashada xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin kasocotay Hay’adda Mercy oo mashaariic waxbarashada la xeriirto dalka ka fuliso.
Wasiirka ayaa masuuliyiinta uu kulanka la qaatay waxaa kamid ahaa Agaasimaha Fulinta Hay’adda Mercy iyo Madaxa hay’adda ee Soomaaliya waxaa uuna kala hadlay dar-dar galinta howlaha Mashaaricda ee ay dalka ka fuliyaan.
“Waxaan maanta xafiiskeyga kulan kula qaatay Agaasimaha Fulinta Hay’adda Mercy iyo Madaxa hay’adda ee Soomaaliya. Kulankan ayaa daba socday, mar sii horreysay oo aan Agaasimaha Fulinta kulan kuwada qaadannay magaalada Doha ee dalka Qatar.Waxaan kawada hadalnay dardargelinta mashaariicda ay dalka ka fuliyaan iyo in wada shaqeynta labada dhinac la xoojiyo” Ayuu yiri Wasiir Godax.