Wararka

Wasiirka Waxbarashada dalka oo ka warbixiyay Qorshaha wasaaradda ee Ka hor dhamaadka sanadka.

Wasiirka Wasaaradda , Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa Ka hadlay qorshaha wasaaradda ay Dugsiyada gobolada dalka ku gaarsiinayso Buugagta Manhajka waxbarashada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in shaqaalaha wasaaradda ay u kala qaybiyeen 3 qeybood oo kala ah kuwaas oo kala ah;

1) Qeybta 1aad, oo ka shaqayn doonta Sidii ardayda iyo dugsiyada kuyaalla gobollada dalka iyo gobolka Banaadir ay u gaarsiin lahaayeen buugaagta manhajka waxbarashada Qaranka si lacag la’aan ah.

2) Qeybta 2-aad, oo ka shaqayn doona gobollada dalka si ay imtixaan qiimeyn ah uga soo qaadaan macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada kuyaalla gobollada dalka, si loo ogaado heerka tayada aqoonta iyo gudbinta xirfadda macallinnimada.

3) Qeybta 3-aad, oo iyaguna ka shaqayn doona xarumaha wasaaradda, si ay u qabtaan adeegyada ay bulshadu u baahantahay.Image may contain: 7 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 6 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close