Wararka
Wasiirka Waxbarashada dalka oo daahfuray Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska.

Wasiirka Waxbarashada waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdullahi Godax Barre ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daahfuray Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska.
Guddigaan ayaa waxaa xubno ka ah wasaarado, hay’ado dowli ah iyo ururada rayidka ah waxaa ayna kaalin ka qaadan doonaan horumarinta wada shaqeynta hay’adaha u xil-saaran howlahaasi gaar ahaan UNESCO, ISESCO IYO ALESCO.
“Waxaan maanta si rasmi ah u daah-furay Guddiga Qaran ee Waxbarashada, Dhaqanka iyo Seyniska oo ay xubno ka yihiin wasaarado, hay’ado dowli ah iyo ururada rayidka ah. Guddiga wuxuu kaalin ka qaadan doonaa horumarinta wada shaqeynta hay’adaha u xil-saaran howlahaasi gaar ahaan UNESCO, ISESCO IYO ALESCO” ayuu yiri Wasiir Godax.