Wararka

Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Somaliland “Kala quusanayee aan kala qoomama la’aano”

Wasiirka wasaaradda warfaafinta maamulka Somaliland Mohamed Muuse Diiriye  oo manta warbaahinta kula hadlay gudaha wasaaradda warfaafinta ayaa ka hadlay hadalkii ka soo yeeray Gudiga doorashooyinka Somaliya oo sheegay inay sanad ka dib doorasho ka Qaban Karaan gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in hadalkaas uu ahaa mid aan loo meel dayin isagoo guddiga ku eedeeyay in ay Doorasha ka qaban Karin gudaha Soomaaliya waxaa uuna yiri  “ maanta shan meel ayay u kala fadhiyaan markaas bay leeyihiin, waxayna Hiirshabeelle oo agtooda oo Jowhar u tahay madaxtooya ayayna doorasha ka qaban karin, muqdisho gudaheeda  ayaynan ka qaban karin  waaba meel kale maantana waxay tiri musharixiinta reer  Somaliland  haisa soo diwaan galiyaan, naga xishooda”

Wasiirka ayaa sheegay in Somaliland ay ka qooma meynayso wadahadaladii ay sheegeen in ay la yeelan doonaan Soomaaliya isagoo sheegay in ay ka xunyihiin in ay wadahadal layeeshaan dad shan meel u kala qaybsan waxaa uuna ugu baaqay in ay ayaga midoobaan marka hore waa sida uu hadalka u dhigay wasiirka warfaafinta maamulka Somaaliland Moahmed Muuse Diiriye .

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close