Wararka

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda oo kulan la qaatay dhigiisa Wasiirka Qorshaynta.

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ay wehliyaan agaasinka guud iyo howladeenadda Wasaaradda ayaa maanta kulan kula yeeshay xarunta wasaaradda cadaaladda dhiggiisa Wasiirka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Jamaal Maxamed Xasan oo ay wehliyaan wasiir-kuxigeenadda Marwo Fahma Axmed Nur iyo Mareeyaha Qorshaha Qaranka sagaalaad.

Kulankan oo ahaa wadatashigii ugu danbeeyay oo ay ku sameeyaan Qorshaha Horumarinta Qaranka ayaa lagu soo bandhigay halka uu marayo qorshaaasi kaas oo ahmiyad weyn laga siiyey xoojinta laamaha cadaaladda dalka si sare loogu qaado Sareynta Sharciga.

Wasiirka cadaaladda ayaa uga mahadceliyay dhigiisa Wasiirka Qorsheynta sida aay u dajiyeen qorshahan oo is garabtaagya dhismaha hay’addaha caddaaladda dalka si guud ahaan.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xassan Xuseen Xaaji, ayaa sidoo kale kulan la qaatay wafdi ka socday hay’adda INL ee dalka Mareekanka waxa ayna kawada hadleen sida loo horumarin lahaa bahda Caddaaladda.Image may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 5 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close