Wararka
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS oo kormeer ku tagay xarunta Wasaaradda Cadaaladda KGS.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo safar shaqo ku jooga Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeedayaa iyo wafdi uu hogaaminaayo oo ka mid yahay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Maxamed Xuseen ayaa waxay kormeer ku tageen xarunta Wasaaradda Cadaaladda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xabsiga dhexe ee Caasimada Ku meelgaarka ah KGS ee Baydhabo oo dhismihiisa socdo, iyo Taliska Ciidanka Asluubta.
Wafdiga ayaa waxa ay u kuurgallaayey Habsami u socodka Howlaha ka socda loona fududeeyo howlaha Cadaaladda iyo Garsoorka loo hayo shacabka lana gaarsiiyo Tuulo waliba si shacabka ku dhaqan ay u hellaan adeeg Cadaaladeed iyo mid Garsoorba.
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda XFS, Cabdulqaadir ayaan ku dhiira galiyey Shaqada wanaagsan ay hayaan howl wadeenada kulana dardaarmay ineey sii laba laabaan shaqada wanaagsan ay u haayaan shacabkoooda.