Wararka

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka XFS oo ka qeeb gallay shirwaynaha culimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka XFS Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta ka qeeb gallay shirwaynaha culimada Soomaaliyeed ee loo ga hadlaayey “Kaalinta Culimada ee Geedi-socodka Arrimaha Amniga iyo Dib-u-heshiisiinta Dalka” oo ay soo agaasinta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta.

Wasiirka oo khudbad ka jeedyay goobta ayaa ka hadlay doorka culimada ay mujtamaca Soomaaliyeed kulahaayeen, hadana ineey ka qeeb qaataan qeybaha Cadaaladda mida Bulsho, Dhaqaale, Siyaasad iyo Garsoorka.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji  ayaa ka hadlay taariikh nololeedka garsoorka Soomaaliyeed ay la heed sanadihii 1969-1990 iyo bur burkii kadibba, waxaa uuna sheegay in ay waqtigan ay ka soo kabanayaan waqtigii adkaa ayadoo hay’adihii ugu muhiimsanaa ee Golihii Adeega Garsoorka haatan lagu guda jiro in la dhiso Sidoo kale in la dar dar galiyo hannaankii Caddaaladda, Asluubta, dib u eegista sharuucda dalka iyo dhameestirka dastuurka dalka.

Wasiirka Wasaaradda ayaa ugu danbayn sheegay in talooyinka wax ku oolka ka ah ee ka soo baxo shirkaan in ay tix galin doonto wasaaradda Caddaaladda.No photo description available.Image may contain: 4 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, shoes, table, crowd and indoorImage may contain: 2 people, people sitting and tableImage may contain: one or more people, people sitting, crowd, table and indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close