Wararka
Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya Dr Fawziya Abikar Nur oo ka qayb gashay kulanka Golaha Caafimaadka Adduunka.
Kulankii 72aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka ayaa ka furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa uuna kulankaan socon doonaa 28 May 2019.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr Fawziya Abikar Nur iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa ku sugan magaalada Geneva ee dalka Switzerland iyadoo ka qayb ah wafuuda ka qayb-galayso shirkaas.
Ajandaha sanadkaan kullanka looga hadlayo waxaa ka mid ah in caafimaadka la wada gaarsiiyo aduunka oo dhan, u diyaar garowga iyo ka jawaabista xaaladaha deg dega ah ee caafimaadka, , ciribtirka cudurka dabaysha iyo qodobbo kale oo badan.
Soomaaliya waxaa shirkaa ku matalaayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka xukuumada Federaalka Soomaaliya, Dr Fawziya Abikar Nur.