Wararka

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada oo soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay.

Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada (WBIT), Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo bandhigtay waxyaabihii uga qabsoomay halbeegyada Wasaaraddu ku leedahay Tubta Horumarinta Dhaqaalaha.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in wasaaraddu leedahay 9 halbeeg oo ah waxyaabaha ugu waaweyn ee mudnaanta u leh ee ay ka shaqeyneysay tan iyo 2017-dii, kuwaasoo ka baxsan hawl-maalmeedka Wasaaradda.

Wasiirka ayaa sidookale sheegay  in afar ka mid ah sagaalka halbeeg in 100% la dhammeeyay, halka shanta soo hartay hawlo badan ay ka socdaan, qaarkoodna gabogabo ku dhow yihiin.

“Hadduu Alle idmo marka lagu wada guuleysto halbeeygadan waxaan rajeyneynaa in isbeddel muuqda laga dareemi doono isgaarsiinta iyo teknolojiyada dalka,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay wasiirku.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close