Wararka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo kulan la qaatay Wafti ka socday Haayadda laanqayrta Cas imaaraadka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad goboleedka Puntland Maxamed Dhabancad ayaa maanta magaalada Boosaaso ku soo dhaweeyey Wafti ka socday Haayadda laanqayrta Cas imaaraadka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Puntland ayaa masuuliyiinta Haayada laanqayrta Cas Imaaraadka shir laqaatay waxaana Shirkaas looga wada hadlay Arrimaha xaalada bini’aadanimada ee Gudaha Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Masuuliyiinta kale ee ka qeyb galay Shirka waxaa kamid ahaa wasiirka Duulista Hawada Puntland, Gudoomiyaha Gobalka Bari iyo Gudoomiyaha Degmada Boosaaso, iyo saraakiisha Ciidamada.

Madaxda sare ee haayada Laanqayrta cas Imaaraadka iyo madaxweynaha Puntland ayaa horey ugu wada shiray Gudaha Dalka Imaaraadka, waxayna wada gaareen isafgarad sidii Haayadda uga hawlgali lahayd dowlad goboleedka Puntland.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close