Wararka

Wasiirka Wasaarada Cadaalada Koonfur Galbeed oo booqday Maxkamada magaalada xuddur.

Wafdi ballaaran oo uu horkacayey Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka ee Maamulka Koofur Galbeed, Taliyaha Ciidanka Asluubta Maamulkaasi iyo Maamulka Gobolka Bakool ayaa maanta kormeer ku tagay xarumo ay ka mid yihiin Maxkamada, Saldhiga Booliska iyo xabsiga magaalada xuddur oo burbur weyn ka muuqdo.

Wafdiga ayaa Ugu horeyn booqday xarunta maxkamada degmada xuddur, waxana ayna halkaasi kula kulmeen garsoorayaashii oo geed hoostii dacwad ku qaadeyso maadaama dhismo iyo dayactir midna helin xaruntii maxkamada gobolka.

Kormeerkooda ayaa waxay ku soo gabagabeeyeen xarunta xabsiga dhexe ee magaalada xuddur oo qeyb ka mid ah dhowaan dayactir lagu sameeyey wallow qeybo badan oo ka mid ah qeybtii haweenka aan weli dayactir helin taasoo sababtay in maxaabiistii xabsiga lagu hayo saldhiga booliska.

Guddoomiyaha Xafiiska dib u dhiska degmada xuddur Cabdirisaaq saajin iyo guddoomiye ku xigeenka gobolka Bakool Cabdulaahi Maxamed Nuur ayaa waxay codsadeen in wax laga qabto maxkamada iyo xabsiga oo wadasheyn ka dhaxayso.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Maamulka Koofur Galbeed Aadan Cali Axmed ayaa baaqay udirey in la tayeeyo tababarana loo furo ciidanka asluubta ee degmadaasi, si ay ugutaan waajibaadka saran.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka Koofur Galbeed Maxamed Xuseen Xasan ayaa sheegey in qorshaha socdaalkooda ay qeyb ka tahay in maxkamadaha loo dhiso xarun ay ku shaqeeyaan, wuxuna intaasi ku darey in la qalabeyn doono dhamaan xafiisyada Maxkamada, Booliska iyo Xabsiga dhexe.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close