Wararka
Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Puntland oo kulan laqaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Dhabancad oo kulan laqaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka Puntland.
kulanka Degmooyinka uu laqaatay Wasiirka waxaa looga wada hadlay dardargalinta iyo tayaysiinta Maamulka degmooyinka, hor u tabyeynta adeegyada aasaasiga ah sanadka 2021 iyo abuurista hab isku xira macluumaadka Degmooyinka Puntland si loo yareeyo in Degmooyinka safaro u galaan shirar ama tababaro.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in sanadkan ay abuuraysa hab isku xira Degmooyinka (online platform) fududeeya tayaysiinta iyo tababarada Degmooyinka, helitaanka iyo is dhaafsiga macluumaadka iyo qabsoomidda shirar ayadoo masuul kasta xafiiskiisa joogo.
Kulanka waxaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland waxaa ku wehlinayey labada Wasiir ku xigeen Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Maxamed Cali Nuur Jubba.