Wararka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa maanta kulan la qaatay safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal.
Kulanka wasiirka Warfaafinta uu la qaatay Danjire Qin Jian waxaa ku wehliyay agaasimaha Wakaaladda Wararka Qaranka ee (SONNA) Cali C/qaadir Cali iyo lataliye Cabdiraxmaan Mubaara,waxaana mudadii uu socday diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga warbaahinta labada dal,iskuxirka Wakaaladaha Wararka SONNA iyo Xinhua ee Shiinaha iyo Soomaaliya,Telefeshinka Qaranka Soomaaliyeed iyo Kan Dalkaasi ee CCTV iyo Radio Muqdisho,iyo sidii ay uga geysan lahaayeen tayenta warbaahinta.
 Cismaan Abuukar Dubbe Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Safiirka Shiinaha wada shaqeynta kala dhexeyso Warbaahinta Dowladda,isagoo xusay in loo baahan yahay in la kordhiyo fursadaha sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha warbaahinta Qaranak,si loo tayeeyo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.
Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close