Wararka
Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay agab ay gaarsiiyeen xarunta taliska ciidanka Asluubta.

Wasiirka Warfaafinta xukuumada federaalka Soomaaliya ahna guddoomiyaha guddiga wacyi galinta Covid19 Maxamed Cabdi Xayri Maareye oo uu wehliyo wasiir ku xigeenka wasaaradda caafimaadka ayaa agab looga hortago faafitaanka cudurka coornaviruska ku wareejiyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Agabkaan oo iskuga jira Maaska afka lagu xirto iyo fariimo looga tala galay in bulshada lagaga wacyi galiyo Covid-19 ayaa Gudigu waxa ay sheegeen in loo qiibin doono dhamaan ilaalada xabsiyada iyo Maxaabiista.
Wasiirka Warfaafinta ahna guddoomiyaha guddiga wacyi galinta Covid19 ayaa uga horeyn sharaxaad ka bixiyey agabkaan ay maanta Taliska Ciidanka asluubta Soomaaliyeed ay ku wareejiyeen.
Wasiir ku xigeenka Caafimadka oo dhankiisa ka hadlayey wareejinta agabkaan ayaa sheegay in dhibaato weyn ka dhalan karto hadii faafitaanka cudurka Covid19 uu soo gaaro xabsiga dhexe ee Xamar.
Uga Dambeyn Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Genaral Mahad C/raxmaan Aadan ayaa ka mahad celiyey agabka maanta lagu wareejiyey waxa uuna wasaarada caafimaadka Soomaaliya uu ka codsaday in il gaar ah lagu haayo maxaabiista.