Wararka
WASIIRKA WARFAAFINTA OO FAAHFAAHIYAY QARAXII GALABTA KA DHACAY XARUNTA GOBOLKA.
Waxaa hadda Saxaafadda kula hadlay xarunta Dowladda Hoose ee Xamar Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo ay hareer taagan yihiin Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Taliyaha Booliiska Soomaaliya iyo Guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo Maalliyadda ee gobolka Banaadir.
Wasiirku waxa uu sheegay in weerarkii galabta ay ku dhinteen lix ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waabari iyo Cabdicasiis iyo Seddex Agaasime.
Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dhaawacmeen Lix ruux oo ay ku jiraan Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaal degmooyin, kuwaasi oo dhaqaatiirta ay xaaladooda caafimaad la tacaalayaan.
Sidoo kale Wasiir Maareeye waxa uu sheegay in Hay’adaha Ammaanka ay wadaan baaritaan ku aadan falkii ka dhacay xarunta dowlada Hoose ee Xamar islamarkaana ay faah faahinta dib kasoo sheegi doonaan.