Wararka
Wasiirka Shaqada oo kulan la qatay Madax ka tirsan Hay’adda IOM.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumada federaalka Soomaaliya, Saddiiq Xirsi Warfaa ayaa Maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabbilay Madaxa cusub ee howlgalka Soomaaliya ee hey’adda Socdaalka Adduunka IOM, Richard Danziger oo booqashadii ugu horreysay ku yimid Dalka.
Kulanka wuxuu la xiriiray xoojinta xiriirka , Taageerada Shaqo abuurka Dhallinyarada iyo Muwaadiinta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu soo laabanaya.
Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay muwaadiniinta helaan hannaan u jiheynaya shaqooyin iyo taageero la isku haleyn karo.