Wararka

Wasiirka Shaqada oo kulan kaga qayb galay Magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Washington, D.C ee dalka Marekanka ayaa la kulmay  madaxweyne ku-xigeenka bangiga Adduunka,Havez Ghanem.

Kulanka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay taageerada uu bangiga adduunku siiyo Soomaaliya, gaar ahaana mashruuca Ilaalinta Bulshada iyo shaqo abuurka.

Mashruuca Ilaalinta Bulshada oo wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uu ku taageerayo bangiga adduunka , ayaa sannadkan gaaraya 200,000 (labo boqol oo kun) oo qoys, waxaana lagu wadaa inay ka faa’iideystaan 1.2 milyan oo bulshada nugul ah, wuxuu si gaar ah diiradda u saaraya qoysaska reer miyiga ah iyo kuwa ku nool xeryaha barakacayaasha.

“Kullankeenna wuxuu ahaa mid miro-dhal ah, bangiga adduunka waxaan uga mahadceliyay taageerada uu siiyo dalkeenna, waxaan si gaar ah uga codsaday sidii uu ku sii socon lahaa tan iyo inta dalka deymaha laga cafinayo isku filnaasho dhaqaalana aan ka gaareyno, mashruuca Ilaalinta Bulshada kaas oo taageero dhaqaale ay ku helayaan qoysaska nugul iyo kuwa miyiga ku nool” ayuu yiri wasiir Sadiiq.

Docda kale, wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada wuxuu ka qeybgalay kullan heer wasiirro oo ay ka qeybgaleen ku dhowaad saddex boqol oo wakiillo caalamka ka socday ah oo looga hadlay daryeelka bulshada iyo shaqo abuurka, kullan dooddeedka ayuu wasiirka ku soo bandhigay dadaallada ay dowladda wado iyo sida ay xilligan uga go’antahay in si furan dalka loogu soo dhaweeyo maalgashadayaasha.

Muddada uu dalka Marekanka ku suganyahay wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxaa uu kullamo la qaadan doonaa mas’uuliyiin dalkaas iyo deeq bixiyayaasha oo shaqo abuurka iyo taageerada bulshada uu kula hadli doono.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close