Wararka

Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo Garoowe ka daahfuray madasha mustaqbalka shaqo ee Soomaaliya.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa maanta si rasmi ah magaalada Garoowe uga furay shir weynaha madasha mustaqbalka shaqo ee dalka oo ay ku miideysanyihiin dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Shirka waxaa ka qeybgalaya dhammaan wasiirrada shaqada ee dowlad-gobolleedyada dalka, gobolka Banaadir iyo xubno matalaya hay’adaha dowlad-gobolleedyada iyo wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Soomaaliya.

Jaamac Faarax Muuse , wasiirka Shaqada ,Shaqaalaha, dhallinyarada iyo ciyaaradaha Puntland ayaa furitaankii shirka ka sheegay inay Puntland soo dhaweynayso martigalinta shirkan oo uu ku tilmaamay mid muhiimad u leh horumarinta iyo shaqaaleysiinta.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Sadiiq Xirsi Warfaa ayaa sheegay dowladda Soomaaliya inay ka go’antahay in shaqo abuur qaran loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

“Waxaa na hor taalla shaqo ballaaran oo ah sidii aan dhallinyaradeena shaqo ugu abuuri lahayn .. barnaamijkan madasha mustaqbalka shaqo ee dalka oo ay ku miideysanyihiin dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada, wuxuu u gogol xaaraya sidii lagu gaari lahaa shaqo abuur qaran.” ayuu yiri Wasiir Sadik Warfa.

Shirkaan ayaa socondoona muddo saddex maalin ah waxaana  gabagabadiisa lagu wadaa in laga soo saaro qorshe qeexaya mustaqbalka shaqo iyo shaqo abuur ee Soomaaliya.Image may contain: 3 people, people standingImage may contain: 2 people, suitImage may contain: 3 people, people sitting and suitImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 1 person, indoorNo photo description available.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close