Wararka

wasiirka shaada iyo arimaha bulshada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banadir oo kormeer ku tagay Isbitaalka Laasaleeti.

wasiirka shaada iyo arimaha bulshada xukuumada federaalka Soomaaliya Sadiiq Xirsi Warfaa iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Isbitaalka Laasaleeti ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir kaas oo kamid ah isbitaalada Taariikhiga ah ee kuyaala dalka.

Isbitaalkaan oo la hirgaliyay 1926-dii ayaa waxaa ka muuqday burbur xoogan oo uu sababay dagaaladii sokeeye ee uu dalka soo maray, Masuuliyiinta ayaana u kuur galaan xaalada dhabta ah ee kajirta isbitaalkani iyagoo halkaasi kula kulmay maamulka xaruntani gacanta ku haayo.

Wasiirka iyo Guddoomiyaha oo uu wehlinaayeen guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir ayaa mid mid u kormeeray qeybaya uu isbitaalka Lasaleeti ka kooban yahay iyadoo imika lagu daryeelo dadka dhimirka la’ waxaana madaxdu ay bukaanada ay la kulmeen ka wareysanyeen xaaldooda caafimaad iyo baahiyaha ay qabaan.

Wasiirka shaqada iyo arimaha bulshada ee XFS Sadiiq Xirsi Warfaa waxa uu sheegay in muhiimada booqashadooda ay tahay sidii loo hirgalin lahaa qeybaha lagu daryeelo caruurta darbi jiifta ah iyo kuwa agoonta.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa tilmaamay in dhismaha isbitaalkani uu u baahan yahay in la iska kaa shado maadaama uu dhul balaaran ku fadhiyo.Image may contain: 6 people, people smiling, people standing, suit and outdoorImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standing, wedding, suit and outdoorImage may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, wedding, sky and outdoorImage may contain: sky, cloud and outdoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close