Wararka
Wasiirka maaliyadda Xukuumada Soomaaliya oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay hantidooda meel amaan ah dhigtaan.
Wasiirka Maaaliyada Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr abdiraxman Ducaale Beyle oo maanta shir saxaafadeed warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu kaga hadlay Hantida ummadda, Guulaha Soomaaliya ay ka gaartay wada hadalka deyn cafinta iyo Muhiimada ay leedahay isku tashiga Umadda.
Wasiir Beyle ayaa ugu horeyn faah-faahiyay warqadii ugu dambeysay ee Hey’adda lacagta aduunka ka soo saartay Barnaamijka deyn cafinta Soomaaliya ee ka gudbida Wajiga Sedexaad ee Barnaamijka.
“Waxaan maanta ummadda Soomaaliyeed iyo Warbaahintaba la wadaagay faah faahinta warqadii ugadambeysay ee ka soo baxday ‘IMF’ International Monetary Fund, anigoo hore idiinkugu sheegay 9kii bishaan in ay soo bixidoonto Warbixintaan oo ka koobneyd Amaan iyo Bogaadin tilmaameysay horumarka Maaliyadeed ee Dalka ee aan gaarnay”.ayuu yiri Wasiirka.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale soo hadal qaaday tirakoob ay Wasaaradda ku hayso hantida ummadda isagoo sheegay inuu gabagabo marayo.
Wasiirka ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka fakaraan amaanka hantidooda waxaana uu tilmaamay in halka ugu wanaagsan ay tahay in waddan kooda ku malgashadaan si ay ugu badbaado bulshadana uga faa’iido.
“Dhanka kale waxaan Dadka Soomaaliyeed u sheegay in baahi weyn loo qabo in ay Maalgalin ku sameeyaan Dalkeena Soomaaliya oo ay Muruqooda, Maskaxdooda iyo Maalkoodaba u huraan, sidoo kale waxaan Baaq iyo dhiiri galin u jeediyay ganacsatada Soomaaliyeed ee Dibadda ku nool in ay hantidooda ilaashadaan oo meel amaan ah ku hubsadaan”.ayuu yiri Wasiirka.