Wararka
Wasiirka Maaliyadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Switzerland iyo Bangiga aduunka.

Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahman Dualle Bayle ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Switzerland iyo Bangiga aduunka.
Wasiir Bayyle oo kulanka uu la qaatay masuuliyiintaasi ka socotay Dowladda Switzerland iyo Bangiga aduunka ka warbixiyay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay taageerada ay dowlada Switzerland iyo Bangiga aduunka la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.
“Sharaf ayay ii aheyd in aan Wasaaradda Maaliyadda ku soo dhaweeyo Wafdi ka socda Dowladda Switzerland iyo Bangiga aduunka.Waxaan ku faraxsanahay in Dowladda Switzerland ay sii wado taageerada ay la garab taagan yihiin Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiir Bayle.
Dr. Abdirahman Dualle Bayle Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dib-u-habeynta iyo hufnaanta Maaliyadeed ee dalka ay horseeday in ay taageero buuxda ka helaan caalamka.