Wararka
Wasiirka Maaliyadda oo soo dhaweeyay warbixin ay soo saartay hadda IMF.
Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abdirahmaan Ducaalle Bayle ka hadlay warbixin labaad oo ay soo saarat hay’adda lacagagaha adduunka ee IMF-ta waxaa uuna sheegay in Soomaaliya ay hadda cagta saartay dhabihii guusha.
Wasiir Balye ayaa sidoo kale sheegay in warbixintaani ay garab buuxa ku siinaysa aaminadda shacbiga Soomaaliyeed ay ku qabaan wasaaraddiisa iyo dhamaanba xukuumada waxaa uuna u mahadceliyay dhamaan shacabka Soomaaliyeed sida ay u garab istaageen wasaraddiisa.
Abdirahmaan Ducaalle Bayle, Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu danbayn waxaa uu balan qaaday in uu sii laba jibaari doona dadaalka iyo shaqada ay u haayo shacabka Soomaaliyed.
“IMF Waxay soo saartay Warbixn kale oo ay ku muujineyso guusha iyo horumarka Maaliyadeed ee aan gaarnay, taasoo ay garab buuxa nagu siiyeen shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan u mahadcelinayaa dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee na garab istaagay, anagana waxaan balan qaadeynaa in aan sii laba laabno dadaalkeena iyo in aan ka dhabeyno hadafka guusha dhaqaale ee Dalkeena” ayuu yiri wasiir Bayle.