Wararka
Wasiirka maaliyadda oo kulan la qaatay Safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya.
Wasiirka maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdirahmaan Dualle Bayle ayaa manta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Xubno kale oo la socday.
Wasiirka ayaa sheegay in safiirka ay kala hadleen horumarka dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka waxaa uuna intaasi ku daray in safiirka iyo xubnaha kala ay u balan qaadeyn in Dowladdiisu ay na garab taagantahay had iyo jeer.
Waxaan maanta Xarunta W.Maaliyadda shir muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dowladda Italy u fadhiya Soomaaliya H.E. Alberto Vecchi iyo Xubno kale oo la socday.
Waxaan diiradda saarnay horumarka dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka, waxa uuna noo balan qaaday in Dowladdiisu ay na garab taagantahay had iyo jeer.
“Waxaan maanta Xarunta W.Maaliyadda shir muhiim ah kula yeeshay Safiirka Dowladda Italy u fadhiya Soomaaliya H.E. Alberto Vecchi iyo Xubno kale oo la socday. Waxaan diiradda saarnay horumarka dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta Maaliyadda Dalka, waxa uuna noo balan qaaday in Dowladdiisu ay na garab taagantahay had iyo jeer” ayuu yiri wasiir Bayle.