Wararka

Wasiirka maaliyadda oo ka qayb galay Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Geeska Afrika.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda ee xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa dalka Jabuuti kaga qayb galay Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Geeska Afrika oo lagu qabtay caasimada dalkaasi Djabuti.

Dr. Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa sheegay in shirka looga wada hadlay is dhex galka dalalka geeska Afrika iyo wax wada qabsigooda waxaa uuna u rajeeyay in shirka ay kasoo bixi doonta natiija wanaagsan oo wax ku ool ah.

“Waxaan ka qeyb galay Shirka Wasiirada Maaliyadda ee Dalalka Geeska Afrika oo lagu qabtay Dalka aanu walaalaha nahay ee DJibouti. Waxaan ka wada hadalnay is dhex galka dalalka geeska Afrika iyo wax wada qabsigooda, sidoo kale waxaan rajeynayaa in natiijo wanaagsan oo wax ku ool ah ay ka soo baxdo shirkaan” ayuu Yiri wasiirka Maaliyadda.Image may contain: 3 people, people standing and suitImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 1 personImage may contain: 3 people, people standing and suit

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close