Wararka

Wasiirka Maaliyadda   iyo wasiirada dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowlada dhexe oo shir ugu furmay Kampala.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda  xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda ugu qayb galay shirka horumarinta Maaliyadda Dalka waxaana kulanka ku wehlinaayay wasiirada maaliyadda dowlad goboleedyada dalka iyo Maamul ka Gobolka Banaadir.

Wasiirka Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Cabdirahman Ducalle Bayle ayaa sheegay in inta uu kulanka socday ay kawada shaqeyn doonaan sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha dalka si ummadda Soomaaliyeed uga faa’iidaysato.

“Waxaa noo furmay shirkii horumarinta Maaliyadda Dalka ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowlad-Goboleed yada, Maamul ka Gobolka Banaadir iyo W.Maaliyadda DFS. Waxaan ka wada shaqeyneynaa sidii loo mideyn lahaa shuruucda hagta dhaqaalaha Dalkeenna, ummadda Soomaaliyeedna dhammaan uga faa’iidaysato. Waxa dhammaan naga go’an inaan Wadajir Waajibaadkayaga u gudanno” ayuu yiri Cabdirahman Ducalle Bayle.Image may contain: 4 peopleImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 4 people, people sitting

 

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close