Wararka
Wasiirka maaliyadda iyo Duqa caasimada Muqdisho oo xariga ka jaray xaruma cusub oo canshuuraha lagu qaadi doona.

Wasiirka maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Cabdirahman Ducalle Bayle iyo Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa si Wadajir ah xariga uga jaray xarumaha canshuuraha oo ay wasaarada ka hirgalisay degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in ay wasaaradda waddo dadaalo ay dib ugu dhisayso dhamaan xarumaha Canshuuraha haddana ay meel gaba gaba ah u marayso dhismaha laba xarumood oo Canshuuraha ah, dhismaha Xarunta Hogaanka ilaalada Canshuuraha, iyo Machadka Barashada Cilmiga Canshuuraha.
Dr. Cabdirahman Ducalle Bayle, Wasiirka maaliyadda Xukuumada federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambayn u mahadceliyay Bangiga horumarinta Afrika,(African Development Bank) oo wasaaradda garab kasiiyay dib-u-dhiska Xarumahaan Canshuuraha.
“Maanta waxaan si rasmi ah xarigga uga jarnay Xarumaha Canshuuraha W.Maaliyadda ee Dagmooyinka kala ah H.Wadaag, Hodan iyo Wadajir, aniga iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.Waxaa sidoo kale gaba-gabo inoo maraya dhismaha laba xarumood oo Canshuuraha ah, dhismaha Xarunta Hogaanka ilaalada Canshuuraha, iyo Machadka Barashada Cilmiga Canshuuraha” ayuu Yiri Wasiir Bayle.