Wararka
Wasiirka maaliyadda dalka oo soo dhaweeyay hadal jeedinta Afhayeen hay’adda IMF-ta Gerry Rice.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdirahmaan Dualle Bayle ayaa amaan u soo jeediyay hay’adda Lacagta Aduunka ee IMF -ta waxaa uuna bogaadiyay sida ay hay’addaan ugu go’antahay sii wadida hannaanka deyn-cafinta Soomaaliya.
Wasiir Bayle ayaa sheegay waxa ay dowlada federaalka ugu dhigantahay Deyn cafiska waxaa una tilmaamay in Deyn cafiska ay dowlada ka caawin doonta dhanka dhaqaalaha iyo dakhliga gudaha oo kobaca.
“Waxaan u mahadcelinayaa Hey’adda Lacagta Aduunka #IMF iyo Afhayeen Gerry Rice oo ka hadlay sida ay IMF uga go’an tahay sii wadida hannaanka deyn-cafinta Soomaaliya. Waxaan si adag uga shaqeynay dib-u-habeynta dhaqaalaha, inagoo raacayna Barnaamijka tubta deyn-cafinta ee #SMP4” ayuu yiri wasiir Bayle.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wato ayaa raaciyay “Waxaan u mahadcelinayaa dhammaan Bah-wadaagteena Caalamiga ah oo taageero iyo caawin nala garabtaagan sidii aan u gaari laheyn deyn-cafin dhameystiran.Deyn cafiska waxaa uu ka caawin doonaa Soomaaliya isbeddel dhanka dhaqaalaha iyo dakhliga gudaha oo kobaca”.