Wararka
Wasiirka Maaliyadda dalka iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray Kismayo.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda maaliyada Xukuumada fderaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle oo ay qeyb ka yihiin wasiirro ka socda dowlad goboleedyada dalka gaar ahaan wasaaradaha maaliyada ayaa maanta galinkii danbo gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdiga ayaa markii ay gaareen garoonka diyaaradaha ee Sayid Mohamed Abdulla Hassan waxaa si diiran u soo dhaweeyay Wasiirka wasaaradda maaliyadda Jubbaland Cabdirashiid Jire Qalinle iyo xubno kale oo gollaha wasiiradda Jubbaland ka tirsan.
Maalinta berri ah ayaa lagu wadaa in magaalada Kismaayo uu ka furmo shir looga hadlayo arrimaha maaliyadda Soomaaliya kaas oo ay dhammaan goob joog yihiin wasaaradaha maaliyada Dowlad Goboleedyada dalka iyo wasaaradda maaliyada DFS.