Wararka
Wasiirka maaliyada XFS oo dalka dib ugu soo laabtay.
Wasiirka maaliyada XFS Abdirahman Dualeh Beileh ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqa oo uu dalka ugu maqnaa.
Wasiir Beileh ayaa kamid ahaa wafuud malmihii ugu danbeysay ku sugnaa dalka Maraykanka kuwaas oo kulama kala duwan layeshay madax sare oo katirsan aqalka cad ee Maraykanka iyo ha’adda caalami ah oo ka howlgala dalka.
War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu wasiiirka ku yiri “Si nabad ah ayaan Dalka dib ugu soo laabtay kadib shirar guulo ku soo dhamaaday oo aan la soo qaatay madaxda Bangiga Aduunka iyo Sanduuqa Lacagta Aduunka (IMF)”.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ledahay mustaqbal wanagsan oo horseedi kara in ay Soomaaliya noqota dhul burwaaqo.“Waxaa inoo muuqda mustaqbal ifaya, oo noo horseedaya inaan gaarno isku filnaasho iyo Barwaaqo”ayuu ku yiri wasiir Beileh bartiisa Facebook-ga.
Ugu danbayn wasiirka ayaa shacabka ugu baaqay in ay isku duubni mujiyaan oo ay wada shaqeyaan si horumar loo gaaro.