Wararka

Wasiirka Maaliyada Dalka oo kulan la qaatay madaxda Hay’addaha dhaqaalaha aduunka.

Wasiirka wasaaradda maaliyada xukuumada federaalka Soomaaliya Dr. Abdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka billaha ah ee uu ugu warbixiyo halka ay marayso horumarada maaliyadeed ee dowlada iyo waxyaabihii u qabsoomay.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay hay’addaha dhaqaalaha aduunka sida Hay’adda IMF iyo Bangida aduunka.

“Waxa aan maanta shir Gudoomiyay kulankii billaha ahaa ee FGC oo aan uga hadalnay horumarka Maaliyadda iyo waxii inooga qabsoomay dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan u mahadcelinayaa hey’adaha dhaqaalaha Aduudka ee shirka nagala soo qeyb galay sida IMF iyo World Bank”. ayuu yiri wasiir Bayle.Image may contain: 1 person, sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, sitting, screen and indoorImage may contain: 4 people

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close