Wararka

Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Paris shir kaga qayb galayo.

Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka xukuumada federaalka Soomaaliya Mohamud Abdikadir Hillaal iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa gaaray magaalada Paris ee casimada dalka Farinsiiska halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan shir wayn oo diirada lagu saarayo ka faa’iidaysiga Kheyraad ka dabiiciga ah gaar ahaan Batroolka Iyo macdanta.

Shirkaan oo ay isku soo duba riday Urur ka OECD oo inta badan hormarinta dhaqaalaha ka shaqeeya kuna midobeen in ku dhaw 57 wadan ayaa Paris ka socon doona maalmaha soo socda.

Wasiirk Ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka ayaa sidoo kale sheegay inta ay shirka kusugan yihiin ay xooga saari doonaan amid noqoshaha xubin kamid ah OECD si samayn dowlada ugu   yeelato ajenda yaasha caalam ka ee dhaqan dhaqaale iyo mid siyaasadba.Image may contain: 1 personImage may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, indoorImage may contain: one or more people and indoorImage may contain: 1 person, indoor

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close