Wararka
Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka DFS oo kulan la qaatay Maamulka gobolka Gedo oo kusugan Muqdisho.

Maamulka Degmooyinka Gobolka Gedo oo maalmahaan ku sugnan magaalada Muqdisho ayaa kulan Soo dhaween ah waxaa ay la qaateen Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka DFS.
Wasiirka Ku xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka xukuumada federaalka Mohamud Abdikadir Hillaal ayaa sheegay in kulanka soo dhaweynta ee ay la qaateen masuuliyiinta gobolka Gedo ay isku afgarteen sidii ay maamulka gobolka Gedo kala shaqayni lahaayeen hirgalinta adeegyada ay u baahanyihiin degaanadaas wixii ku xiran hay’adaha DFS.
“Waxaan maanta kulan soo dhawayn iyo kala warqaadasha ah la yeelanay muumulada degmooyin ka Gobolka #Gedo ee DG Jubaland oo maal mahan u joogi doona magaalada Muqdisho shaqooyin la xiriira horumar ka Gobol kaas. Guntii Iyo gunaanad kii kulan ka waxaan is ku afgaranay in aan kala shaqayno fududaynta iyo hirgalinta adeegyada ay u baahanyihiin degaanadaas wixii ku xiran hay’adaha DFS” Ayau yiri Mohamud Abdikadir Hillaal.