Wararka
Wasiirka Kalluumaysiga Jubbaland oo daah furay tababar loo qabanayo dadka ka shaqaysta Kalluunka.
Wasaaradda Kaluumaysiga Jubbaland ayaa maanta tababar u furtay 70 kamid ah Iskaashatooyinka Kalluunka waxaa uuna tababarka socon doonaa muddo 7 cisho ah.
Maalmaha uu tababarka socdo ayaa waxaa lagu baran doonaa sida loo jilaabto Kalluunka iyo farsamooyinka la adeegsato xilliga lagu jiro howlaha kalluumaysiga.
Tababarkaan waxaa soo agaasintay Wasaraadda Kalluumaysiga iyo Kheyaraadka Badda Jubbaland, wuxuuna qayb ka yahay qorshaha horumarinta kalluumaysata, marka uu dhamaado tababarka dadka ka faa’iideysta waxaa la siin doonaa Doonyo ay ku shaqaystaan.
Wasiirka Kalluumaysiga Jubbaland Ibraahim Cabdi Xassan oo tababarka daah furay ayaa tilmaamay in muhiimad balaadhan ay u leedahay dhalinyarada ka shaqaysta badda wuxuuna ku booriyay dadkii tababarka qaadanayey in ay ka faa’iideystaan tababarka islamarkaana ku shaqaystaan xirfadaha ay bartaan.