Wararka
Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeenta KGS oo daahfuray tababar lagu baranaayo Nagshadeynta Magaalooyinka.

Wasaaradda Howlaha Guud Dib u dhiska iyo Guriyeenta Dowlad Goboleedka KGS ayaa Tababar u qabatay qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Howlaha Guud iyo qaar kamid ah dhalinyarada ka kala socodaa Degmooyinka Baydhabo ,Bardaale iyo Buur-hakabo.
Tababarkaan ayaa lagu baranaayay Nagshadeynta Magaalooyinka iyo sidii kobca Magaalooyinka loo ogaan lahaa waxaana ka qayb galay Agaasimaha Wasaaraddaa, Gudoomiye kuxigeenka Maaliyada Degmada Baydhabo ,Gudoomiyaha Gobolka Baay iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaraddda Howlaha Guuddib u dhiska iyo Guryeenta KGS.
Barnaamijkaan Naqshadeynta degmooyinka ayaa horey lagu sameeyey magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur waxaana lagu gunleeyahay in lawada gaarsiyo dhamaan Degmooyinka Deegaanada KGS.
Agaasimaha Wasaaradda Howlaha Guud dib u dhiska iyo Guryeenta KGS Yusuf Hassan Issack oo uga horeyntii ka hadlay Tabarka ayaa waxaa uu sheegey in dhawaan Degmooyinka Baraawe ,Marka iyo Af -gooye la geyndoono Naqshadeyntan oo Casreysan.