Wararka
Wasiirka Howlaha guud ee XFS oo guddoomiyay shirka kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta DFS Cabdi Aadan Hoosow ayaa Shir gudoomiyey Shirka Kaabayaasha dhaqaalaha Dalka gaar ahaan dhismaha Wadooyinka iskuxirka Gobolada Dalka (Regional Corridors) oo socondoona muddo saddex Maalmood ah.
Waxaa kasooqayb galay Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Jamaal Xasan Ismaaciil, Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada, Agaasimaha Guud, Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, Madax kasocotay Bangiga Horumarinta Afrika & Midowga Yurub.
Shirkan ayaa looga wada hadli doonaa inta uu socdo dib u dhiska wadooyinka iskuxira Gobolada Dalka ee bur buray & Dhismaha Wadooyin cusub oo hor leh taasoo faa’iido wayn u leh koboca dhaqaalaha dalka & Isku socodka Bulshada.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Cabdi Aadan Hoosow ayaa furay Shirka waxa uuna soodhoweeyey Wasiirada maamul goboleedyada, Bangiga Horumarinta Afrika & Dhammaan Madaxdii kasooqayb gashay shirka waxa uuna xusay in shirkan uu muhiimad gaar ah u leeyahay Wasaaradda Hawlaha Guud.
Wasiirada Hawlaha Guud ee Maamul Goboleedyada Dalka ee shirka kasooqayb galay ayaa Dhankooda soodhoweeyey shirkan waxa ayna ammaneen dadaalka ay waddo Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dib u dhiska Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka.