Wararka

Wasiirka Gar-gaarka XFS oo ka qayb galay xuska sanad guuradii 2-aad ee ka soo wareegataymaalinta Qaran ee Qoxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed.

Munaasabadan lagu xusayay sanad guuradii 2-aad ee ka soo wareegatay markii loo asteyeey maalinta Qaran ee Qoxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed ayaa ka dhacday caasimada dalka Soomaaliya.

Masuuliyiin uu ugu horeeyo wasiirka gar gaarka XFS, madaxda Hay’adda Qoxootiag iyo barakacayaasha Qaraan iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa maanta ka qayb galay Munaasabadan lagu xusayay sanad guuradii 2-aad ee ka soo wareegatay markii loo asteyeey maalinta Qaran ee Qoxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed oo 2017 uu ku dhawaaqay raiisul wasaaraha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Hey’adda Qoxootiga Qaranka iyo Barakacayaasha, Aaamino Siciid Cali ayaa ka hadashey baahiyaha loo qabo sidii fursado loogu abuuri lahaa barakacayaasha iyo qoxootiga dalka dib ugu soo laabanaya.

Wasiirka Gargarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Siciid Xamsa ayaa siweyn uga hadlay qorshaha dowladda ee ku aadan maareynta arrimaha qoxootiga iyo barakacayasha Qaranka Waxaa uuna sheegay in nay jiraan dib u dejin loo sameeyey qaar kamid ah barakacayaasha,isagoo tusaale ahaan u soo qaatay Koonfur Galbeed iyo Puntland deegaano kamid ah,waxaana uu xusay in kaalin ay ka qaadan doonaan sidii qorshe loogu sameyn lahaa dadkaasi.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close