Wararka
Wasiirka Gaadiidka dowlad goboleedka KGS oo Kormeer ku sameyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo oo dib udayac tir uu ka socdo.

Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kormeer indha indheen ah ku tagay garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo oo Dayactir balaaran uu ka socodo.
Markii uu wasiirka gaaray garoonka ayaa waxaa halkaasi uu kula kulmay Maareeyaha garoonka diyaaradaha Shaatigaduud ee magaalada Baydhabo salaad Mohamed Muqtaar oo warbixin guud ka siiyay wasiirka halka ay marayso shaqada ay garoonka ka wadaan oo uu sheegay in ay si iskaa wax u qabsa ah ay u dayac tirayaan dhabayaasha garoonka ee ay diyaaradaha isticmaalaan.
Wasiirka Gaadiidka cirka iyo dhulka dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliy xassan xussen xaaji oo dhankiisa ka hadlay kormeerka ayaa u mahadceliyay dhamaan shaqaalaha garoonka Shaatigaduud isagoo ku booriyay in ay sii wadaan howlaha ay sida is-xil qaanka leh u ugu jiraan.
Wasiirka Gaadiidka dowlad goboleedka KGS oo Kormeer ku sameyey garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo oo dib udayac tir uu ka socdo Mohamed Ibrahim Salat Farmaajo
Posted by TUSMO TV on Friday, 5 June 2020