Wararka

Wasiirka duulista XFS oo ka hadlay talaabadiii ay dowlada dalkaasi Kenya ay ku hakisay duulimaadyadii tooska ahaa.

Wasarada duulista iyo hawada ee xukuumada fadraalka Soomaaliya ayaa ka hadashay talaabadiii ay dowlada dalkaasi Kenya ay ku hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee isaga kala gooshi jiray magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho.

Maxamed Calaahi Salaad Oomaar, wasiirka wasarada duulista iyo hawada ee xukuumada fadraalka Soomaaliya ayaa warbaahinta uxqiijiyay wararka sheegaya in dowlada Kenya ay hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee  Muqdisho iyo Nairobi.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in fariin ay soo gaartay gelinkii dambe ee Khamiistii loogu sheegay in la hakiyey duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi waxana diyaaradaha ka baxa Muqdisho ay mari doontaa goroonka diyaaradaha ee wajeer sidii hore ay ahaan jirtay.

Warar qaar ayaa shegaya iney jirto dhaqaale xumo dowladda Kenya ka soo wajahday dakhligii uga soo xaroon jiray garoonka Wajeer, iyadoo warbixin lagu daabacay wargeyska Daily Nation ay muujineyso in tan iyo markii dib loo bilaabay duulimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi, garoonka Wajeer uu khasaaray 19­kun oo dollar­ka Mareykanka.

Duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi ayaa bilowday sanadkii 2017, ka gadaal markii dowladda Kenya iyo dowladda Soomaaliya ay gaareen heshiisyo dhowr ah oo ku saabsanaa iskaashiga iyo socdaalka labada Dowladood.

Show More

Mohamed Ibrahim Salat Dhuhul

Somali by nationality Born in Bardhere, 1997. I'm patient, humble and God fearing. I'm bachelor in journalism and communication science.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close